Xasan Sheekh oo shaaciyay xiliga ay iman doonaan ciidamada ku maqan Ereteriya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ciidamada ku maqan dalka Ereteriya iman doonaan ugu dambayn bisha Janaayo ee sanadka cusub 2023.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadalkan ka sheegay kulan ay su’aalo ku weydiiyeen qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.

“Dhalinyarada Ereteriya mar dhow ayay imanayaan, bisha aan ku jirto ee December inta aysan dhammaan waa soo bilaabanayaan, Janaury-na waa soo dhameystirmi doonaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka jawaabay su’aal ciidamadaas laga waydiiyay.

Ciidamo Soomaaliyeed oo tiradooda lagu sheegay shan kun oo askari ayaa dhowr sano tababar ugu ku maqan dalka Ereteriya, waxaana Madaxweyne Xasan Sheekh intii uu xilka hayay labo jeer dalkaas u tagay arrimo la xiriira ciidamadaas.

PUNTLAND POST