Puntland: Askar ku eedaysan ka ganacsiga khamriga oo xukuno lagu riday

Maxkamadda derejada kowaad ee ciidamada qalabka sida ee Puntland u qaabilsan Sool iyo Nugaal ayaa maanta xukun rasmi ah ka soo saartay kiiska askar ku eedaysan ka ganacsiga Khamriga.

Maxkamadda ayaa la hor-keenay gaari NOAH oo ay ku raran yihiin 54 dhalo oo khamri ah islamarkaana ay hawlgal qorshaysan ku qabteen laamaha amniga magaalada Garoowe.

Khamrigaas ayaa la sheegay in ay ka ganacsanayeen rag ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland oo baxsad ku maqan kadib markii gaariga laga qabtay.

Maxkamadda ciidamada ayaa min shan sano oo xabsi ah iyo  $2000 kun oo ganaax ah ku xukuntay dhammaan eedaysanayaasha maqan waxaana ay sheegtay in xukunkoodu ka bilaaban doono maalinta la qabto.

Gaariga lagu qabtay khamriga ayaa sidoo kale loo xukumay dowladda halka maxkamaddu amartay in la burburiyo dhalooyinka khamriga ah.

HABIBALADAN ABDI IBRAHIM