Koonfur Galbeed oo oday dhaqeed xilka ka qaaday

Wasiirka arrimaha gudaha, dowladda hoose iyo dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed Cabdullaahi Xaaji Xasan ayaa sheegay inuu xilka ka qaaday malaaq Mad Eddow oo ka mid ah oday dhaqameedyada beelaha Koonfur Galbeed.

Wareegto ka soo baxday Wasiirka ayaa lagu sheegay in Mad Eddow oo malaaq u ah beesha Leysaan xilka looga qaaday takrifal awoodeed iyo kala qaybin uu ku sameeyay beeshiisa, wuxuuna faray beeshaas in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo doortaan malaaq cusub.

Malaaq Mad Eddow ayaa matala Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mukhtaar Roobow Abu-Mansuur, waxaana mucaaradka Koonfur Galbeed ay arrintan ku eedeynayaan inuu ka dambeeyo Madaxweyne Laftagareen.

PUNTLAND POST