Wararka ka imaanaya Gacanka Guardafui ee Puntland ayaa sheegaya in halkaas lagu la’ yahay doonni kalluumeysi.
Doonnida oo uu leeyahay muwaadin Soomaaliyeed ayaa ka dhooftay marsada Caluula waxaana ay ku sii jeeday dalka Yemen.
Xogaha ayaa sheegaya in mudda afar cisho ah la la’ yahay doonnida iyo dhammaan dadkii saarnaa.
HABIBALADAN ABDI IBRAHIM