Kulan dhexmaray Siciid Deni iyo Axmed Karaash oo isfaham la’aan ku dhammaaday

Kulan gaar ah oo dhexmaray Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash ayaa is faham la’aan ku dhammaaday.

Siciid Deni iyo Axmed Karaash ayaa sida xogo hoose xaqiijinayan ku kala ra’yi duwanaaday xilka qaadista qaar kamid ah Golaha Wasiirada.

” Ma jiro khilaaf muuqda oo u dhexeeya labada mudane waxaase jirta in la isku fahmi waayay xilka qaadista wasiirada qaarkood” ayuu yiri qof ku sugan Madaxtooyada Garoowe.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa lagu wadaa maanta u safro degaanka Garacad ee Gobolka Mudug.

PUNTLAND POST