
Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Dhooba-daareed ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe.
Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa ka qayb-galay soo dhawaynta mudane Dhooba-daareed waxaana loo xiray qaar kamid ah waddooyinka caasimadda.
Siciid Deni iyo Cabdixakiin Dhooba-daareed ayaa 10-kii bishii May ee sannadkan ka heshiiyay khilaafaad hore u dhexmaray.
Mudane Dhooba-daareed ayaa hore xilkii Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland looga qaaday mooshin uu abaabulay Siciid Deni.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.