Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo dilkiisa la shaaciyay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ay xaqiijisay geerida Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir) oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu yiri “Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa xaqiijiyay geerida Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir) oo ahaa horjooge sare oo ka tirsanaa Al-shabaab. Yuusuf Jingaab wuxuu ka mid ahaa xubnaha ugu halista badan Al-shaabab ee qaabilsanaa dhanka marin habaabinta, isagoo horay u qalday dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed”.

“Horjooge Yuusuf Jingaab waxaa lagu dilay hawlgal ciidamada qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Juxaay isaga iyo 87 xubnood oo kale oo ka tirsanaa Al-shabaab, 15-kii bishaan” ayaa la raaciyay.

PUNTLAND POST