Taliyaha Booliiska Puntland oo sameeyay magacaabis

Taliyaha Ciidanka Booliiska Punland S/Guuto Muumin Cabdi Shire ayaa magacaabay saraakiil iyo saraakiil xigeeno ka tirsan laanta nabadgalyada wadooyinka gobollada Nugaal, Bari iyo Mudug.

1: Waxaa Dhamme Ugaas Cabdullaahi Xasan loo magacaay taliyaha laanta nabadgalyada wadooyinka gobolka Nugaal.

2: Waxaa x/le Cabdullaahi Caduur Macalin loo magacaabay Taliye ku xigeenka laanta nabadgalyada wadooyinka gobolka Nugaal.

3: Waxaa K/s Maxamed Cali Maxamd loo magacaabay taliyaha laanta nabadgalyada wadooyinka gobolka Bari.

4: Waxaa X/le Cawil Maxamed Cigaal loo magacaabay taliyaha laanta nabadgalyada wadooyinka gobolka Mudug.

5: Waxaa K/s Cabdullaahi Maxamed Warsame loo magacaabay taliye ku xigeenka laanta nabadgalyada wadooyinka gobolka Mudug.

PUNTLAND POST