Maxay tahay siyaasadda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh kula dagaalamayo Al-shabaab?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo khudbad u jeediyay Soomaalida Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa ka hadlay siyaasadii hore ee la dagaalanka Al-shabaab iyo siyaasadda casub ee hadda kula dagaalamayso dowladda uu hoggaamiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa siyaasadda la dagaalka Al-shabaab ee 15 sano la soo dhaafay ku tilmaamay mid ay wadeen dalal shisheeye oo dano gaar ah ka leh Soomaaliya. Wuxuu sheegay in ay siyaasaddaasi ahayd labo, mid laga la dagaalami jiray in ay xuduudaha ka gudbaan oo fashilantay iyo mid awoodooda lagu dhimayay sida in la bartilmaamaydsado madaxdooda iyo saldhigyadooda.

Siyaasadda cusub ee dowladdiisu kula dagaalamayso Al-shabaab ayuu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh in ay ku taagan tahay saddex tiir oo mid horay u soo jiray, yahayna milateri (awoodooda oo la dhimo) labada kalana wuxuu ku tilmaamay fikirka iyo dhaqaalaha.

PUNTLAND POST