Puntland oo fasaxaysa ardayda saddex gobol

Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa dhawaan muddo labo todobaad ka badan fasaxaysa ardayda iskuullada gobollada Bari, Karkaar iyo Gardafuu.

Fasaxa ardayda waxaa lagu sababeeyay in goobaha waxbarashada loo isticmaali doona diiwaan-gelinta doorashada goleyaasha deegaanka Puntland oo la qorsheynayo in ay bilaamato horraanta bisha Jannaayo ee sanadka cusub 2023.

Warqad ka soo baxday Wasaaradda ayaa lagu yiri “Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland waxay ku wargelinaysaa dhammaan goobaha waxbarashada gobolada Bari, akatkaar iyo Gardafuu in ay yihiin fasax laga bilaabo 5/1/2023 ilaa 20/1/2023. Dhammaan goobaha waxbarashada waxaa loo isticmaalayaa diiwaan-gelinta doorashada qof iyo cod ee ka qabsoomaysa dhammaan gobollada Puntland”.

Ururada siyaasadda Puntland ayaa dhawaan 13 shuruudo ku xiray doorashada goleyaasha deegaanka Puntland, inkastoo la fuliyay labo ka mid ah shuruudahaas oo kala ah dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah iyo dib u dhigista diiwaan-gelinta codbiyeyaasha.

PUNTLAND POST