Mahad Salaad oo magacaabay Taliyaha NISA ee Gedo

Agaasimaha guud ee hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta wareegto uu soo saaray ku magacaabay Taliyaha cusub ee Nabadsugida gobolka Gedo.

Taliyaha Nabadsugida gobolka Gedo ayaa loo magacaabay S/Guuto Axmed Xasan Sareey, oo baddelaya Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Bakaal Kooke) oo dhawaan lagu dilay qarax ka dhacay nawaaxiga degmada Luuq, xilli uu safar ugu socday degmada Doolow.

Magacaabista Taliyaha cusub ee Nabadsugida gobolka Gedo ayaa ku soo aaday xilli weli xiisad siyaasadeed ka taagan tagay gobolkaas, maantana ay tageen siyaasiyiin ay ka mid yihiin Cabdirishiid Janan iyo Senator Fartaag oo ka soo horjeeda muddo kordhinta Axmed Madoobe.

PUNTLAND POST