Howlgal lagu dilay 88 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab

Muuqaal: Wasiir Al-cadaala

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in 88 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay howlgal qorshaysan oo 48 saac ee la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Juxaay ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in ay howlgalkaas wada fuliyeen ciidamada NISA iyo ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibaddooda caalamka.

Khasaaraha dhanka dowladda ka soo gaaray howlgalkaas ayuu wasiir Al-cadaala ku sheegay askari dhimasho ah iyo afar dhaawac ah, wuxuuna intaas ku daray in ciidamada dowladda ay hadda gacanya ku hayaan deegaankaaso.

Dowladda Federaalka oo garabsiinaysa ciidamada qabiilada ee loo yaqaano Macawisleyda ayaa bilihii la soo dhaafay waday dagaalo ka dhan ah Al-shabaab oo intooda badan ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo sababay inta badan in lagala wareego goboladaas Al-shabaab oo muddo dheer ka talinayay.

PUNTLAND POST