Xasan Sheekh iyo Joe Biden oo ka wada hadlay dagaalka Al-shabaab

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay munaasabad ku qabsoomtay Aqalka Cad ayaa la kulmay Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay madaxda iyo diblumaasiyiinta Maraykanka, xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee gaareen ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya bulshada deegaannada, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu xusay in Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden bogaadiyey howlgallada Al-shabaab looga saaray deegaannada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, uuna adkeeyey taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed.

Waa markii ugu horreysay oo ay wada kulmaan Soomaaliya Xasan Sheelh iyo Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu markii labaad safar ku tagay Maraykanka tan iyo markii la doortay 15 Maajo 2022.

PUNTLAND POST