Aadan Madoobe oo kulan la qaatay duubabka dhaqanka Koonfur Galbeed

Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay magaalada Baydhabi Golaha Malaaqyada Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Golaha Malaaqyada Dhaqanka ee Koonfur Galbeed oo ka tirsan 135-ta oday dhaqameed ee Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulankooda waxaa looga hadlay shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ee uu ku baaqay Guddoomiyaha iyo sidii kooxda Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Golaha Shacabka, Guddoomiye Aadan Modoobe ayaa duubabka dhaqanka ka talageliyay arrimaha dib uheshiisiinta Koonfur Galbeed si loo gaaro midnimo iyo isku-tashi, waxayna si buuxda u taageereen shirka, iyagoo isla adkeeyey in meel looga soo wada jeesto kooxda Al-shabaab.

Sidoo kale Golaha Malaaqyada Dhaqanka ayaa Guddoomiye Sheekh Aadan ka dalbaday in si deg deg ah loogu dhawaaqo maalinta uu furmayo shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed.

PUNTLAND POST