Puntland: Wasiir loo diiday gobolka Gardafuu

Wasiir Ku-xigeenka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Qaasim Maxamed Yuusuf ayaa loo diiday in tago degmooyinka gobolka Gardafuu.

Wasiir Qaasim oo rabay in uu tago degmooyinka Bareedo, Caluula iyo Murcanyo ayaa waxaa jid-gooyo u dhigtay maleeshiyo beeleed gobolka ka soo jeeda oo diidan safarkiisa, wuxuuna dib uga soo laabtay gobolkaas, kaddib safar 5 maalmood qaatay oo ku dhaafiwaayay tuulada Hoodaa oo hoostada degmada Murcanyo.

Wasiirka ayaa doonayay in uu degmooyinka gobolka Gardafuu u tago arrimo la xiriira doorashooyinka degmooyinka Puntland, gaar ahaan wacyigelinta diiwaagelinta dadweynaha oo la qorshaynayo in ay gobolkaas ka bilaamato bisha Jannaayo ee sanadka 2023.

Qaar ka mid ah waxgaradka degmada Murcanyo ee gobolkaa Gardafuu ayaa horay uga cawday shaxda soohdimaynta degmooyinka ee sameysay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.

PUNTLAND POST