Muxuu Madaxweyne Deni kala hadlay guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka Puntland?

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka Puntland.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, waxaa kulanka looga hadlay doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo amniga degmooyinka iyo gobollada.

Madaxweyne Deni ayaa faray guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo gobollada Puntland, in ay si dhameystiran uga qaybqaataan doorashooyinka goleyaasha deegaanka, oo diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay bilaaban doonto 5-ta January 2023.

Kulanka waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Puntland, taliyeyaasha ciidamada, la-taliyeyaasha madaxweynaha iyo saraakiil madaxtooyo.

PUNTLND POST