Cali Jeyte oo iska casilay Guddiga Taakulaynta Ciidamada xoraynta Gobolka Hiiraan

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan mudane cali Jeyte Cismaan ayaa gebi ahaanba iska casilay xubinimadda Gudiga Maaliyadda ee Taakulaynta Ciidamada Dibu-u-xoraynta Gobolka Hiiraan.

Warkad ka soo baxday Xafiiska Guddoomiye Cali Jeyte ayaa lagu sheegay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay Guddiga Taakulaynta u qaabilsan Dibu-u-xoraynta Gobolka Hiiraan.

Mudane Cali Jeyte ayaa ku eedeeyay Guddiga in aysan diyaar u ahayn shaqadii loo xil-saaray ee Taakulaynta Ciidamada Dibu-u-xoraynta Gobolka Hiiraan.

Halkan ka akhriso Warqadda Iscasilada

PUNTLAND POST