
Ururka caalamiga ah ee suxufiyiinta ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in sannadkan 67 suxufiyiin iyo shaqaale warbaahineed ah lagu dilay caalamka, halka sanadkii hore la dilay 47 suxufi.
Dagaalka Ruushka ee Ukraine, qalalaasaha Haiti iyo rabshadaha sii kordhaya ee kooxaha jirrida ah ee Mexico ayaa gacan ka geystay koror 30% tirada suxufiyiinta lagu dilay gudashada waajibaadkooda sanadkan 2022 marka loo eego sannadkii hore, sida lagu sheegay warbixinta.
Ururka fadhigiisu yahay Brussels ee IFJ ayaa tira-koob ku heshay in 375 saxafi ay hadda u xiran yihiin sababo la xiriira shaqadooda, kuwaas oo intooda badan ku xirnaa Shiinaha, Myanmar iyo Turkiga.
IFJ ayaa si gaar ah u cambaareeyay toogashada weriyihii Al-jazeera Sherine Abu Akleh oo ka soo warami jirtay Falastiin, iyada oo toddobaadkan, shabakadda warbaahinta Carbeed ee Al-jazeera ay si rasmi ah uga codsatay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC inay baarto dilkeeda.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.