Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa xalay xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Qaar kamid ah Odayaasha iyo Cuqaasha Beesha Cali Saleebaan.
Odayaasha iyo Cuqaasha ayaa Madaxweynaha kala hadlay arrin ku saabsan liis uu dhowaan soo saaray Maraykanka, kaas oo cuna-qabatayn lagu saaray shakhsiyaad u dhashay Beesha.
Shakhsiyaadkaas oo ay ku jiraan Ganacsato ayaa Maraykanku ku eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin kooxda Argagixisada ah ee Daacish ee ku sugan Soomaaliya, sida ay sheegtay waaxda Maaliyadda u qaabilsan Maraykanka ee The Department of the Treasury.
Madaxweynaha ayaa Odayaasha u sheegay in baaritaan rasmi ah lagu samayn doono arrinta, islamarkaana dowladdu go’aan ka gaari doonto, kadib markii la dhammaystiro baaritaanka, sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadkii goob-jooga ahaa Kulankaas.
PUNTLAND POST