
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaas Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed ayaa maanta booqday degaanno dhowaan laga saaray Al-shabaab.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Daba-geed booqdeen degaannada Mabaax iyo Ceel qooxle ee laga saaray Al-shabaab.
“Madaxweynaha ayaa kormeeray deegaanadaan oo ay ka muuqdaan raadadka gumeysiga cadowga, isagoo halkaas kula hadlay boqolaal ciidamada dib u xureynta deegaanka ah ee khawaarijta ka saaray deegaannadaan” ayaa lagu yiri Qoraalka.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa muddooyinkii danbe booqanayay degaannada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe ee laga xoreeyay Al-shabaab.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.