Xog: Afar Dowlad Goboleed oo samaynaya iskaashi ka dhan ah Villa Somalia

Xiriirka Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa soo hagaagaya, sida ay sheegayaan xogo kala duwan.

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo mad-madow soo kala dhex galay doorashadii Xasan Sheekh kadib ayaa hadda isu diyaarinaya in ay dib boorka uga jafaan xiriirkooda.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la filayaa in uu ku soo biiro iskaashi ay samaynayaan Dowlad Goboleedyada qaarkood.

Siciid Deni, Axmed Madoobe, Qoor Qoor iyo Lafta Gareen ayaa lagu wadaa in ay ku midoobaan iskaashiga cusub sida xogaha lagu hayo.

Dhinaca kale Villa Somalia ayaa isu diyaarinaysa in ay xilka ka tuurto Axmed Madoobe islamarkaana ku beddesho siyaasi ka soo jeeda Gobolka Gedo.

PUNTLAND POST