
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa xalay kulan ku yeeshay Madaxtooyada Garoowe.
Wararka ayaa sheegaya in kulankan intiisa badan looga hadlay midaynta mowqifka Puntland iyo Koonfur Galbeed ee arrimaha siyaasadda heer Federaal.
” Kulanka labada Madaxweyne waxaa intiisa badan looga hadlay midaynta mowqifka Puntland iyo Koonfur Galbeed ee arrimaha siyaasadda heer Federaal” ayuu yiri qof ku sugan Madaxtooyada Garoowe.
” Labada Madaxweyne waxay sidoo kale xoojiyeen in la iska kaashado dhinaca Amniga guud iyo la-dagaallanka Cadowga argagixisada ah ee Al-shabaab” ayuu sii raaciyay.
Madaxtooyada Puntland ayaa si weyn u xaddidaysa in xog dheeri ah laga helo macluumaadka hoose ee kulanka labada dhinac.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.