Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa qorshaynaya in uu Todobaadka soo socda isku shaandhayn ku sameeyo Golaha Wasiirada.
Dad lagu kalsoon yahay xogtooda ayaa noo xaqiijiyay warka ku saabsan Isku shaandhaynta Golaha Wasiirada Puntland.
Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale isbeddel ku samayn doona qaar kamid ah Agaasimayaasha guud iyo mas’uuliyiin kale sida aan xogta ku helnay.
Isbeddelkan ayaa lagu wadaa in uu saamayn ku yeesho qaar kamid ah ururrada siyaasadda oo xubno kamid ah xilal heli doonaan.
PUNTLAND POST