Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku wajahan Puntland

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa ku wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Madaxweynaha Puntland ay shir wada-tashi ah ku yeelanayaan Garoowe.

Madaxweyne Siciid Deni oo maanta u bixi lahaa safar dalka Itoobiya ah ayaa sida wararku sheegayaan ka baaqday waxaana la sugaya Madaxweyne Lafta Gareen.

Dhaq dhaqaaqan siyaasadeed ayaa ka dhashay kulankii dhexmaray Sicid Deni iyo Xasan Sheekh ee natiija la’aanta ku dhammaaday.

PUNTLAND POST