Baarlamanka Puntland oo go’aamiyay in loo yeero Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka

Baarlamanka Puntland ayaa maanta go’aamiyay in loo yeero Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka si loola xisaabtamo.

Dhammaan wasaaradaha xukuumadda Puntland ayaa ka hoos maray heerkii shaqo ee laga filayay sida lagu ogaaday qiimayn uu sameeyay Baarlamanka.

Baarlamanka ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan lacago sharci-darro ah oo dowladdu qaaddo oo u baahan in lagula xisaabtamo.

Go’aanka Baarlamanka ayaa ku soo beegmay iyadoo lagu wado in Madaxweyne Deni uu berri u safro dalka Itoobiya.

PUNTLAND POST