Puntland oo sheegtay in la xakameeyay shaqaaqooyin ka dhacay Gaalkacyo

Taliska guud ee ciidamada difaaca Puntland ayaa xaqiijiyay in la xakameeyay shaqaaqooyin la xiriira muran dhuleed oo dhowaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

S/Gaas Abshir London oo shir jaraa’id ku qabtay Gaalkacyo ayaa sheegay in lagu guulaystay xakamaynta shaqaaqooyinkaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacleh.

Taliyaha ayaa bogaadiyay labada dhinac ee shaqaaqadu dhexmartay oo sida uu sheegay dadaal badan ku bixiyay arrinta Nabadaynta.

Abshir London ayaa sidoo kale sheegay in Gogol Nabadeed loo dhigayo labada dhinac si loo dhammaystiro Nabadaynta.

PUNTLAND POST