
Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmiya u shaacisay in Al-shabaab laga xoreeyay degmada Aaden Yabaal ee Gobolka Shabeellada dhexe.
Af-hayeenka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya S/Guuto Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay Al-shabaab kala wareegeen degmadaas.
Degmada istiraatiijiga ah ee Aaden Yabaal ayaa la sheegay in ay ahayd xarunta ugu weyn ee Al-shabaab ku leeyihiin Gobolka Shabeellada dhexe.
Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ayaa horay Al-shabaab uga saaray degaanno kala duwan oo ka tirsan Gobolkaas Shabeellada dhexe.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.