Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Garoowe

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goordhaweyd dib ugu soo laabtay Garoowe, kaddib safar uu hal maalin ugu maqnaa magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Deni ayaa intii uu Muqdisho ku sugnaa kulan la qaatay safiirka dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Larry André, kulankaas oo looga hadlay la-dagaallanka argagixisada iyo arrimo la xiriira hay’adda PSF.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland waxa uu Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha dowladda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, inkastoo aan la ogayn waxa looga hadlay kulankaas.

PUNTLAND POST