Wasiir Juxa oo awoodiisa la dhimay

Madaxweyne Deni, W. Cabdifitaax iyo W. juxa

Madaxtooyada Puntland ayaa la wareegtay qayb ka mid ah shaqada arrimaha dimuqraadiyeynta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta, gaar ahaan dhanka xiriirka iyo dhaqaalaha dibada.

Madaxweyne Deni ayaa dhawaan Wakiilada Beesha Caalamka ku wargeliyay in hadda kaddib ay arrimaha dimuqraadiyeynta Puntland kala xiriiraan Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, halkii ay markii hore kala xiriiri jireen Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta.

Dhankooda Wakiilada Beesha Caalamka ee dhanka dimuqraadiyeynta ka taageera Puntland oo aqbalay amarka madaxweynen Deni ayaa ku wargeliyay Wasiir Juxa in ay hadda kaddib howlaha dimuqraadiyeynta kala xiriiri doonaan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa shirar uu Nairobi iyo Garowe dhawaan kula qaatay qaar ka mid ah Wakiilada Beesha Caalamka oo looga hadlay arrimaha dimuqraadiyeynta Puntland waxaa ku wehelinayay Wasiiru -dowlaha Madaxtooyada Cabdifataax Maxamed Cabdinuur.

Beesha Caalamka ayaa taageero dhaqaale oo badan ku bixisa arrimaha dimuqraadiyeynta Punrtland, lamana yaqaan sababta Madaxweyne Deni uu xiriirkooda uga wareejiyay Wasaaradda ku shaqada leh ee hoggaamiyo Wasiir Juxa.

PUNTLAND POST