Muxuu yahay mooshinka loo gudbiyay guddoonka Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya?

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa gudbiyay mooshin ku saabsan ka doodista amniga dalka iyo xasaanadda xildhibaanada.

145 xildhibaan ayaa maanta soo xaadiray fadhiga Golaha Shacabka, waxaana ogolaaday ka doodista amniga dalka 144 xildhibaan, halka 1 xildhibaan ka aamusay, sida uu ku dhawaaqay guddoomiye Aadan Madoobe.

Kulanka maanta ayaa markii hore ajendihiisu ahaa qeybinta akhrinta 1aad ee hindisa sharciyeedka korantada iyo warbixinta xildhibaanada, balse waxaa la horkeenay mooshinkan oo ay saxiixeen 22 xildhibaan, kaas oo ah in laga hadlo arrimaha amniga, lana hakiyo ajendayaasha kale.

Dhanka kale waxaa fadhiga maanta ee baarlmaanka ka maqnayd guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, xilli maalmihii la soo dhaafay la hadal hayay mooshin ka dhan ah.

PUNTLANTD POST