
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulliyadda tababarada Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee General Calinuur Garoowe tababar uga furay cutubyo katirsan Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.
Furitaanka tababarka waxaa ka qaybgalay xubno katirsan golayaasha dowladda, Taliska Ciidanka Asluubta, guddiga dibu-habaynta Ciidamada, saraakiisha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland iyo marti sharaf kale.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland Sarreeye Guuto Saxardiid Maxamed Axmed (Colow), ayaa madaxweynaha Dowladda Puntland uga mahadceliyey sida uu ugu heelan yahay tayeynta Ciidamada, wuxuuna sheegay in Ciidanka Asluubta oo ku soo shaqeeyey duruufo adag ay marwalba diyaar u yihiin gudashada waajibaadkooda shaqo ayna jiraan dufcado kale oo marka kuwaani dhammaystaan la soo xerayn doono.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhankiisa Taliska, saraakiisha iyo Ciidanka Asluubta ku ammaanay shaqada adag ee ay hayaan, wuxuuna ciidanka tababarku u furmay ku booriyey inay ka faa’iidaystaan casharada ay siin doonaan macalimiintu, wuxuuna balan qaaday in xukuumaddu xil iska saari doonto inay helaan xuquuqdooda.








PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.