Xog: Madaxweynaha Puntland oo isu diyaarinaya mudda kororsi laba sano ah

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa isu diyaarinaya in uu mudda kororsi ku dhawaaqo dhammaadka bisha June ee sannadka 2023.

Xogo hoose oo laga soo dusiyay Madaxtooyada Puntland ayaa muujinaya in Madaxweyne Siciid Deni uu go’aansaday hirgelinta mudda kororsi laba sano ah.

Qorshaha mudda kororsiga oo loo qoondeeyay dhaqaale xooggan ayaa la rabaa in laga ansixiyo Baarlamanka.

Kal-fadhiga 52-aad ee Baarlamanka Puntland ayaa sida caadiga ah furmi doona 15 bisha June ee sanndka 2023.

PUNTLAND POST