Shaqaalaha Puntland oo ka cabanaya mushahar la’aan

Shaqaalaha kala duwan ee dowladda Puntland ayaa ka cabanaya in aysan wax mushahar ah qaadan saddexdii bilood ee la soo dhaafay.

Qaar kamid ah Shaqaalaha dowladda oo aan rabin in magacyadooda la xigto ayaa Puntland Post u sheegay in aysan wax mushahar qaadan saddexda bilood ee September, October iyo November 2022.

Shaqaalaha dowladda Puntland ayaa mushaharkii ugu dambeeyay qaatay bishii August, taas oo la siiyay 31 October 2022. Shaqaalaha Puntland waxay qaataan mushahar aad u yar oo marka loo eego wacyiga lagu jiro baahidooda dabooli karin.

Dhanka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo aan la xiriirnay si aan wax uga weydiino arrintaas weli kama jawaabin cabashada mushahar la’aanta shaqaalaha.

Xukuumadda Madaxweyne Siciid Deni ayaa sannadihii hore lagu amaanay in aysan ku baaqan wax mushahar iyo xuquuq shaqaale ah inkastoo muddooyinkii dambe cabashadaas jirtay.

PUNTLAND POST