
Wasiirrada arrimaha dibadda urur goboleedka IGAD ayaa aqbalay codsi uu jeediyay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse oo ahaa in Soomaaliya lagu garab istaago qorshaha ay ku doonayso in laga qaado cunaqabataynta hubka ee wakhtiga dheer saaran.
Wasiir Huruuse ayaa ka sheegay shirka 48-aad ee wasiirrada arrimaha dibadda IGAD oo ka dhacay Khartoum in cunaqabataynta hubku caqabad ku tahay qorshaha dowladdiisa ee ah Soomaaliya Nabadgelyo ah oo Xasiloon, wuxuuna ka codsaday in ay IGAD garab istaag buuxa siiso qorshaha dowladda Soomaaliya ee Golaha ammaanka mar kale lagaga codsanayo in laga qaado cunaqabataynta hubka.
Dhinaca kale wasiirrada arrimaha dibadda IGAD ayaa isla qaatay codsi kale oo dowladda Soomaaliya soo jeedisay oo ahaa in mashaariicda horumarinta iyo fursadaha hoggaaminta iyo shaqooyinka ururka IGAD si caddaalad ah lagu qaybsado maadaama Soomaaliya oo ka mid ah dalalkii asaasay ururka aysan hellin saamigii ay xaqqa u lahayd ee xagga mashaariicda iyo hoggaanka ururka labadaba.
Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa kaashanaysa ururrada ay xubinta ka tahay Soomaaliya sida IGAD, midowga Afrika iyo kuwo kale si loogu guulaysto qorshaha dowladda ee ah in la qaado cunaqabataynta hubka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.