Sucuudiga ayaa qorshaynaya inuu bisha December 9-keeda marti geliyo shir-madaxeed ay isugu imanayaan Shiinaha iyo dalalka Carabta.
Shirkan waxaa ka qayb-galaya madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping oo lagu wado inuu Riyadh soo gaadho bisha December 7-deeda.
Sidoo kale waxaa marti-qaadyo loo diray hoggaamiyayaasha bariga dhexe iyo woqooyiga Afrika, si ay uga qayb galaan shir madaxeedka Shiinaha iyo Carabta sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed.
safarka madaxweyne Xi Jinping uu ku soo beegmayaa xilli ay xiisadi ka dhex taagan tahay Maraykanka iyo Sucuudiga, taas oo salka ku haysa dhinaca Shidaalka iyo weliba walaaca ku saabsan saamaynta Shiinaha ee bariga dhexe oo sii kordhaysa.
PUNTLAND POST