
Puntland Post ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in Shirka Golaha Wasiirada Puntland laga mamnuucay Taleefonnada.
Madaxweyne Siciid Deni ayaa ku amray Golaha Wasiirada in aysan dib danbe Taleefonno ula geli karin Shirka Golaha Xukuumadda sida ay noo sheegeen dad xog-ogaal ah oo lagu kalsoon yahay warkooda.
Xubnaha Golaha Wasiirada si cad looguma sheegin sababta keentay in Shirka laga mamnuuco Taleefonnada waxaana dhaqan-gelinta Go’aanka la bilaabay Maanta oo Khamiis ah.
You must be logged in to post a comment.