Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka oo heshiis ka gaaray arrimaha isgaarsiinta

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha isgaarsiinta dowlad goboleedyada ayaa ka heshiiyay khilaaf dhowaan soo kala dhex galay.

Khilaafkaas ayaa keenay in wasaaradaha isgaarsiinta dowlad goboleedyada ay xiriirka u jaraan wasaaradda isgaarsiinta heer federal.

Shir ay Muqdisho ku yeesheen labada dhinac ayaa lagu heshiiyay in wasaaradda isgaarsiinta heer Federaal aysan  isku kooban mashaariicda isgaarsiinta dalka.

Sidoo kale waxay isku raaceen in sharciyada iyo siyaasadaha ay wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyada heer Federaal laga tala-galay dowlad goboleedyada dalka.

PUNTLAND POST