
Mooshin ka dhan ah Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Baarlamanka Soomaaliya marwo Sacdiya Salaad ayaa lagu wadaa in uu soo shaac-baxo bisha December ee u danbaysa sannadkan 2022.
Mooshinka oo ay riixayaan dhinacyo kala duwan ayaa sii xoogaysanaya waxaana warar hoose xaqiijinayaan in uu Mooshinkan qayb ka yahay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.
Dhinacyada Mooshinkan wada ayaa ku midaysan in Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka laga dhigo Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo la filayo in uu dhowaan ku biiro Baarlamanka islamarkaana ku soo baxo kursiga HOP#86.
20-kii February ee sannadkan 2022 waxaa kursiga HOP#86 loo doortay Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin waxaase ka eryay Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo kaashanayay shakhsiyaad ay ku jiraan Siciid Deni iyo Axmed Madoobe.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.