
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa kulanka ku saabsan sidii loo xoojinlahaa amniga magaalada Gaalkacayo oo maalmahan shaqaaqooyin ay ka dhaceen laqaatay saraakiisha amniga Gobolka Mudug.
Kulanka waxaa taliyaha ku weheliyay Taliyaha Qaybta Gobolka Mudug G/sare Maxamuud Cabdi Xakiim Yuusuf,ku xigeenkiisa G/le dhexe Cabdi Saciid Xuseen Jaamac (Koomaad),saraakiisha gobolka iyo Taliyaasha saldhigyada Magaalada Gaalkacayo.
Taliyaha Ciidanka booliska Punland ayaa saraakiisha ka dhagaysatay warbixin ku aadan xaalada amni ee gobolka Mudug iyo howlgaladii ugu danbeeyay ee ay sameeyeen ciidanka.
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa saraakiisha gobolka ku amaanay shaqada wanaagsan ay ka hayaan magaalada Gaalkacayo isagoo kula adkeeyay xoojinta amniga magaalada iyo dardar galinteeda si looga hortago cidkasta oo ku howlan waxyaabaha amniga lidiga ku ah.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.