Maxaa ka soo baxay shirkii ururada siyaasadda Puntland?

Ururada siyaasadda Puntland ayaa war-murtiyeed ka soo saaray shir wadatashi ah oo saddexdii berri ee la soo dhaafay ugu socday magaalada Garoowe.

Ururada siyaasadda Mideeye, Mustaqbal, Horseed, Runcad, Sincad, Ifiye iyo Dhalinyarada ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qaybgalka doorashada goleyaasha deegaanka ee la filayo in ay dhacdo horraanta sanadka soo socda ee 2023, balse waxay soo jeediyeen in diiwaan-gelinta iyo doorashada ka hor la fuliyo qodobada hoos ku xusan.

1. In la dhamaystiro xubnaha ka dhiman Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland.

2. In la baddelo nidaamka liistada xiran ee doorashooyinka golaha deegaanka, lagana dhigo liistada furan.

3. In la dhimo tirada xildhibaanada golaha deegaanka ee degmooyinka.

4. In ururada siyaasadda fursad loo siiyo diiwaan-gelinta codbixiyaasha.

5. In diiwaan-gelinta iyo doorashadu si siman hal mar uga wada dhacdo dhamaan deegaanada Puntland.

6. In deegaanada doorashadu aysan ka dhici karin heshiis siyaasadeed laga gaaro ka hor inta aysan diiwaan-gelintu bilaaban.

7. In xuduudaha degmooyinka la waafajiyo dastuurka iyo xeerka gobolada iyo degmooyinka qodobkiisa 21-aad, farqadiisa labaad.

8. In nidaamka ku xadidaya saddex xisbi in dalku yeesho muddo 10 sano ah meesha laga saaro oo la beddelo.

9. In ururkasta oo hela aqlabiyada xildhibaanada golaha deegaan degmo doorasho ama isbahaysi ururo dhexmara ay ku helaan aqlabiyadda ay soo dhisaan maamulka degmada faragelin la’aan.

10. In xubinkasta oo ku soo baxda magac urur siyaasadeed ee baal-marta xeerka ururkaas u degsan ay dhuminayso xasaanadda xildhibaanimo, ururkuna soo beddalaayo booskiisa.

11. In shaqaalaha loo qaadanaayo doorashada loo maro nidaam daah-furan, ururada siyaasadduna la socdaan.

12. In ururada siyaasadda qayb ka helaan dakhliga dowladda iyo taageerada deeq-bixiyaasha.

13. In la diyaariyo guddi madax-banaan oo ka hortaga musuqa doorashada.

Shirka waxaa ka qaybgelin oo ka maqnaa ururada siyaasadda ee Kaah iyo Shaqaalaha.

PUNTLAND POST