Wejiga Afraad ee Mashruuca Waxbarashadu waa Iftiin oo laga daah-furay Garoowe

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Safiirka Midowga Europe ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann ayaa maanta si wadajir ah u daah-furay Wejiga Afraad ee Mashruuca Horumarinta iyo kor u qaadista tayada Waxbarashada Puntland ee “Waxbarashadu waa Iftiin” oo ah mid kor loogu qaadayo tayada Macalimiinta, Ardeyda iyo heerka Waxbarashada Puntland.

Mashruucan Waxbarashadu waa Iftiin oo uu maalgeliyay Midowga Yurub, islamarkaana kor loogu qaadayo tayada Macalimiinta, Ardeyda iyo heerka Waxbarashada Puntland, waxaa si wadajir ah u fulinaya Hay’adaha CARE iyo Save the Children.

Mashruuca oo socon doona mudda saddex sano waxaa ku baxaysa Lacag dhan 7.3 Million oo Euro, waxaa qeyb ka ah Dhismaha 12 Iskuul, dayactirka 7 Iskuul , 570 Ardey oo Waxbarasho Lacag la’aan ah , mushaharaadka 203 Macalim, hirgelinta 4 Iskuul oo cusub oo farsamada gacanta ah iyo hannaanka tayeynta Heerka Waxbarashada Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa muujiyay muhiimada uu mashruuca Waxbarashadu Waa Iftiin u leeyahay Bulshada Puntland, wuxuu boggaadiyay shaqada Midowga Europe iyo Hay’adaha kala shaqeynaya Dowladda Mashruucan fulintiisa.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale goobjoog ka noqday saxiixa heshiis ay gaareen Wasaaradaha ku shaqo leh ee dowladda iyo Hay’adahahan oo Iska kaashanaya fulinta mashruucan.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Ku-xigeenka Madaxa Hay’adda Care International ee Soomaaliya Ummykaltun Abdimajid, Saraakiil ka tirsan Hay’adda Save The Children, Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradaha kale ee kala shaqeynaya Mashruuca iyo marti sharaf kala duwan.

Halkaan ka eeg Sawirada

PUNTLAND POST