
Wararkii u danbeeyay ee laga helayo Shirka ururrada siyaasadda Puntland ee Garoowe ayaa sheegaya in qodobada qaarkood la isku raacay.
Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in qaar kamid ah qodobada Shirka isfaham laga gaaray islamarkaana weli laga tashanayo qodobada aan la isku raacin.
Ururrada siyaasadda Puntland ayaa Shirkan uga tashanaya xaaladaha ku xeeran doorashooyinka qof iyo cod ee lagu muransan yahay.
Dhinaca kale madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa maanta ku wajahan magaalada Garoowe.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.