Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay safiirka Denmark u qaabilsan Somalia

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Dalka Denmark u qaabilsan Somalia Ambassador, Mr. Steen Sonne Andersen.

Madaxweynaha Somaliland ayaa safiirka warbixin guud ka siiyey xaaladda Somaliland iyo horumarka ay ku tallaabsatay sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa kulanka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland, Dr Ciise Keyd Maxamuud.

Sidoo kale safiirka Denmark waxaa wehelinayayay ku xigeenkiisa Ambassador, Ms. Gertrud Birk iyo Wakiilka dalka Denmark u fadhiya Somaliland.

PUNTLAND POST