
Alle ha u naxariistee Ayaanle Siciid Faarax oo kamid ahaa dhalinyarada Gaalkacyo ayaa ku dhintay rasaas saaka laga maqlay gudaha Gaalkacyo.
Wararku waxay sheegayaan in sidoo kale uu rasaastaas uu ku dhaawacmay nin kale islamarkaana loola cararay xarumaha caafimaadka.
Dhacdadaas ayaa sida la soo weriyay daba socota iska hor-imaad dhowaan magaalada Gaalkacyo dhinaca Puntland ku dhexmaray laba malayshiya-beeleed oo ku muransan bogcado dhuleed.
Xiisadda labada dhinac ayaa weli ka taagan magaalada waxaana socda dadaallo lagu dejinayo xaaladda.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.