Muqdisho: Rasaas iyo qaraxyo weli laga maqlayo hotel Villa Rays

Rasaas iyo qaraxyo ayaa weli laga maqlayaa gudaha hotel-ka Villa Rays ee magaalada Muqdisho oo caawa fiidkii ay weerar ku qaadeen koox ka tirsan Al-shabaab.

Hotel-ka oo ku yaalla goob aad loo ilaaliyo (Xayndaabka Madaxtooyada Soomaaliya) ayaa lagu qaaday weerar ku billowday qarax aan weli la xaqiijin nooca uu ahaa, waxaana xigtay rasaas, iyadoo koox hubaysan ay gudaha u gashay hotel-ka, kuwaas oo hadda ay la dagaalamayaan ciidamo ka tirsano dowladda Soomaaliya.

Dad isugu jira mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo shacab ayaa laga soo badbaadiyay weerarka, sida uu sheegay Booliska Soomaaliya.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerarka inkastoo aan weli tirakoob sugan la hayn. Xubno ka mid ah goleyaasha dowladda oo ku jiro Wasiirka Amniga Maxamed Sheekh Cali Doodisho ayaa dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen weerarka.

Xilliga weerarka lagu qaaday hotel-ka Villa Rays waxaa ka socday shir looga arrinsanayay xaaladda gobolka Gedo, waxaana ku sugnaa goleyaasha dowladda federaalka ku matala beesha Mareexaan iyo mas’uuliyiin kale oo hotel-ka daganayd.

PUNTLAND POST