Madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay laga saaray Villa Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay sababo amni looga saaray hoyga deegaanka madaxweynaha ee Villa Somalia, sida ay ogaatay Puntland Post.

Madaxweynaha ayaa lagu qaaday diyaarad Helikopter, kaddib markii ay Al-shabaab weerar ku qaaday hotel-ka Villa Rose oo wax ka yar 100 mitir u jira hoyga deegaanka madaxweynaha, lamana yaqaano meesha la geeyay madaxweyne Xasan Sheekh.

Qaar ka mid ah ciidamada dowladda ayay dhowr saacadood ku qaadatay in ay tagaan hotel-ka la weeraray, kaddib diidmo ka timid hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaran ee NISA.

Muddo 16 saacadood ka badan kaddib rasaas ayaa weli laga maqlayaa gudaha hotel-ka Villa Rose ilaa iyo haddana laamaha ammaanku faahfaahin kama bixin waxa xiligan ka socda.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerarka inkastoo aan weli tirakoob sugan la hayn. Xubno ka mid ah goleyaasha dowladda oo ku jiro Wasiirka Amniga Maxamed Sheekh Cali Doodisho ayaa dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen weerarka.

Xilliga weerarka lagu qaaday hotel-ka Villa Rose waxaa ka socday shir looga arrinsanayay xaaladda gobolka Gedo, waxaana ku sugnaa goleyaasha dowladda federaalka ku matala beesha Mareexaan iyo mas’uuliyiin kale oo hotel-ka daganayd.

PUNTLAND POST