Madaxtooyada Puntland oo saamayn ku leh doorashada dallada PUNSAA

Dallada ururrada bulshada rayidka Puntland ee PUNSAA ayaa lagu wadaa in ay maanta doortan hoggaan cusub.

Saraakiisha Madaxtooyada Puntland ayaa doonaya in hoggaanka cusub ee dalladan uu ku soo baxo qof ay saamayn ku leeyihiin.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Saraakiisha Madaxtooyadu ay taageerayaan islamarkaana saamayn ku leeyihiin Nuur Maxamed Nuur oo kamid ah dadka u tartamaya hoggaankan dalladan.

Dowladda ayaa horay looga digay in ay fara-gelinta ka dayso doorashada hoggaanka dalladda PUNSAA oo muhiim u ah bulshada Puntland.

Guddoomiyaha Xafiiska Xuquuqal Insaanka Puntland Avv. Siciid Cabdi Muumin oo ka hadlayay furitaanka Shirkii PUNSAA ayaa ku baaqay in dallada loo doorto hoggaan ka madax-bannaan dowladda.

PUNTLAND POST