Galmudug oo shaacisay magacyada Odayaal Dhaqameed u galay Al-shabaab

Wasiirka Amniga Galmudug

Saddex kamid ah Odayaasha Dhaqanka Galmudug ayaa u galay kooxaha Al-shabaab, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Amniga Galmudug.

Saddexda Oday Dhaqameed oo kala ah; Sugaal Warsame Cali, Cali yare Axmed Xayle iyo Cumar Maxamed Jimcaale ayaa sida Wasaaraddu sheegtay u hoggaansamay awaamiirta Al-shabaab.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa lagu sheegay in Odayaashaas ay gaareen dhulka Al-shabaab ka taliso.

Wasaaradda ayaa sidoo kale Laamaha Amniga ku amartay in gacanta lagu soo dhigo Odayaashaas meeshii lagu arko.

PUNTLAND POST