Dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay warka ka soo baxay shirkadda MARU PORT oo sheegatay in dowladdu ay oggolaanshiyo u siisay inay ka shaqeyso hubinta Tayada Badeecadaha dalka sida lagu caddeeyay War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya.
“Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxay halkan ku caddaynaysaa inuu waxba kama jiraan yahay warka ka soo baxay shirkadda MARU PORT oo sheegatay in Wasaaraddu ay oggolaanshiyo u siisay inay ka shaqeyso hubinta Tayada Badeecadaha dalka” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka
Wasaaradda ayaa u caddaysay dadka Soomaaliyeed, Ganacsatada iyo dhammaan ba hay’adaha kale ee ay khusayso in aanay illaa hadda jirin shirkad la siiyey wax oggolaanshiyo ah balse dhawaan ay Wasaaraddu shaacin doonto Bid(Bidhka) oo si daah-furan tartan loo gelin doono shirkadaha soo codsada ee u qalma baarista tayada badeecadaha soo gelaya iyo kuwa ka baxaya dalka isla-mar-ahaantaana la siin doono shirkaddii ku guulaysata.
Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.