Odayaal dhaqameed caan ah oo ku xiran Kismaayo

Baqow (bidix), Bile iyo Bare

Magaalada Kismaayo waxaa muddo labo todobaad ka badan ku xiran saddex oday dhaqameed oo ka mid ah dhaqanka ugu caansan deegaannada Jubaland.

Odayaashan oo ka soo jeeda beesha Hartiga ayaa kala ah Ugaas Axmed Ugaas Siraad Ugaas Baqow, Nabadoon Cabdullaahi Bile Siciid iyo Nabadoon Cabdi Bare Maxamed (Bare Ashuun), waxaana la xiray kaddib markii ay degmada Jilib u tageen xarig ay Al-shabaab u gaysatay ganacsato ka soo jeeda beeshooda.

Saddexda oday dhaqameed ayaa weli wax maxkamad ah la gayn, maamulka Jubaland na wuxuu mamnuucay in laga hadlo xarigooda sida uu Puntland Post u sheegay nabadoon ku sugan Kismaayo oo codsaday in aan magaciisa la xigan sababo amni awgeed.

Jubaland ayaa dhowr jeer oo hore xarig iyo masaafurin u gaysatay odayaal dhaqan oo qaarkood ka aragti duwan yihiin maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe.

PUNTLAND POST